dumar waxaa lagu xushaa
karti iyo dulqaade
miyan da,yartaan jeclaayeey
anigu kusii dayn karaa
miyuu damac kale i qaadaa
adigoo dunidan ku nool
dawo naftaydaad u tahay
qalbigaad dareenkiisa tahay
daryeel marwadayda u tahay
daa,imkeen ha kula jiro

dumar waxa lagu xushaa
daganida xishoodkee
miyaan dahab iyo luul
macaan kugu doorsadaa
miyaan duul kale dhagaystaa
dibnahaygana uba furaa
dawo naftaydaad u tahay
qalbigaad dareenkiisa tahay
daryeel marwadayda u tahay
daa,imkeen ha kula jiro

Exit mobile version