kalgacayl gabadhii igu beertaay
gadhka wadnahaad ku taalaa
gobaad wacantii aan gocloodaay

gayaanka midkaan ka doortoow
qalbigaad gashoo gilgilshee
kaalay gayigii aan u guuree

gibliyo sheekh sheekh
godayo wardheer wardheer
jowhar guriceel guriceel
kismaayiyo goob wayn
gaaf ku dhiganee

garoowe iyo bari bari
garka caynabo caynaboo
gaarisa wajeer wajeer
gedo iyo mudug
giblo tumanee

geenyadan gabadhaha ka doortayow
gaari garasho dheer inaad tahay
xiskaan galiyoo waan garawsaday

wiil aan gabanoo halyay go'aanlow
guusha sida oo ku gacloodee
guri iyo guur guur iyo guri ma yagleelnaa

Exit mobile version