naftaydaa ku jamatoo
uurkaad dhex jiiftaa
habla dunida joogana
adaan kuu jecelahay
jalaqsanida muuqiyo
dumar adaa u jaah wacan
waana kuu jibaysnahay
jirabiyo dhibaatana
kuma tuso jaliilkiyo
jeexaygii bidixeey
ila jiibi caashaqa

jirka oo hilaaciyo
sida jawharaad u nuurtaay
markaan ku yara jaleecaba
dareen bay yar jibaaxee
jeedaalo eegmadiyo
qurux adaa la jaaroo
wanan kuu jibaysnahay
jjirabiyo dhibaatana
kuma tuso jaliilkiyo
jeexaygii bidixeey
ila jiibi caashaqa

Exit mobile version