Jamaalka iyo joogga
Jalaqsanidaada ayaa
I jiiidanaysee
Jawhariyo luulaay
Isooo jalleec

Jacayl i haleelaybaa
Naftayda jujuubayoo
Danuun u jiheeyayoo
Jawhariyo luulaay
Isoo jalleec

Naftu joogi weeyday awgaa
Alla jiifsan weeyday awgaa
Bby jiifsan weeyday awgaa
Mcn jiifsan weeyday awgaa

Jaahaaga iyo muuqa
Jaliil kuu abuuray baan
U jeelanahayoo
Jowhariyo luulaay
Isoo jalleec

Dareen i jarmaadiyaybaa
Jiifka iga gooyayee
Intaan jahwareer idilin
Jowhar iyo luulaay
Isoo jalleec

Naftu joogi weeyday awgaa
Naftu jiifsan weeyday awgaa
Mcn jiifsan weeyday awgaa…

Exit mobile version