inkastoon ku caashaqay
calaf waa halkiise
intuu cadaw na kala dilo
cidla yuu nakala dhigin

waan ku calmadoo
cawa iyo dharaar
cindigaad ku taalaa

inan wada cawaynaan
ku calool fayoobee adiguna
lur iyo ciil ka ilaali caashaqa

calwaasaadkan igu dhacay
ciyaar ha iga moodine
cimrigeen intuu jiro
aynu ceesh wadaagnee

waa i cajabisoo
ceeb iyo xumaan
caada kuuma quudhee

Exit mobile version