midabkaad lahayd shalay
muuqaalkaagii wacnaa
dhismihii macaanaa
baryihii mudnaan jiray
markan dib u jaleecaba

murugbaa i qabatoo
masanoow iyo ciilbaa
maankaygii hareeyee
waxaan ahay madluun dhiban

muraayadii dalkaygaay
manexe marna aan xishoonba
madfac kugu hogaanshoo
ma gartaa meel laga
baqaayo kaa dhigay

maruunbay lamaanuhu
masahawaadka faraxa le
is majiiran doonaan oo
idankiisuu mawlahay
muqdishaad markale noqon

munadaad ahayd iyo
magacaagii waynaa
maqalada aduunyada
ka maqsuudin jiray
markaan soo xusuustaba

mushkilad colaad iyo
mahadhiyo xanuun
mugdibaan dareemaa
muwaadinbaan ahay dilan

mansabkii awoowaa
muqalas iyo mooryaan kaa dhigay
muqdishaay meel laga
qaxaayo kaa dhigay

Exit mobile version