baadi doonka quruxduu
buuro yaanu kula fanan
badna yaanu kula galin
inkastoon bidhaantiyo
baxsanaanta kula rabo
basarkay ku xidhantee
badbaadada naftaadoo
ha badalin abuurtoo
muunadada yay bi,in
midabkaaga biliga leh
waa been la biirshiyo
dhalanteedka ha u bogin
kumeel gaadhka beenta ah
baahidaada soo koob

biliicdaadu yay noqon
dawo la isku buufshiyo
bixiso yaanay kuugu gayn
midabkaaga badhaxiyo
ka ilaali baaliga
biyaa kugu filnaan kara
hadii aad basaastana
budhcadkii ku dhaasho
waxaan laga bogsoon kariniyo
ha isku ridin bukaan culus
waa been la biirshiyo
dhalanteedka ha u bogin
ku meel gaadhka beenta ah
baahidaada soo koob

Exit mobile version