baadidoonka quruxdu
buuro yaanu kula fanan
badna yaanu kula galin
in kastoon bidhaantyo
baxsanaanta kula rabo
basarkay ku xidhan tahee
badbaadada naftaaduye
ha badalin abuurtoo
muunadaada yaanay bi,in
midabkaaga biliga leh
waa bayla beershiyo
dhalanteedka ha u bogin
kumeel gaadhka benta ah
baahidaada soo koob

bilicdaadu yay noqon
dawo laysku buuufshiyo
bixisiyo yaanay kuu gayn
midabkaaga badhaxiyo
ka ilaali baaligaa
biyo kugu filnaan kara
hadii aad basaastana
budhcadii ku dhaashoo
waxaan laga bogsoooniyo
ha isku ridin bukaan culus
waa bayla beershiyo
dhalanteedka ha u bogin
ku meel gaadhka beenta ah
baahidaada soo koob

Exit mobile version