hogol ii da,daay
hoobaan ii baxdaay
onkod iyo hilaac
cod xorraan helaay
hir i hilaacayeey
abuur iyo udgoon
lagu soo hirtaay
hanaan quruxsaneey
waan hubaa kalgacal
inuu ila hadhoo
adna uu hogaan
iy heeryo culus
kugu raray hadeer

ma ogtahay hankiyo
hanaqiyo wadnaha
adigaa hurdoo
ka dhex heesayee
hamigaygiiyeey
waxa tahay hugii
dhaxan iga hayee
hanaan quruxsaneey
waan hubaa kalgacal
inuuu ila hadhoo
adna uu hogaan
iyo heeryo culus
kugu raray hadeer

Exit mobile version