yartii himilada kalgacal
haasaawaha ii wacnayde
waliba aan u heelanaa
halbawluhu wuxuu tabaa
habsami weedheeda iyo
hanaankii hadalka iyo
anigu waxaan u heesay aa
hawada cishqi bay i hayoo
hawadaydii noqotaye
hadmaad ii hiilinoo
hadmaan kugu soo hiloo

hibooy aramida jacayl
dhabay ii haleeshayoo
waliba waan habawsanee
naftaydu ku haybisoo
aday heeryadii jacayl
dushaaday ku heerantee
anigu wxaan u heelanay
hawadaa aan la hugamayaa
hawadaydii noqotaye
hadmaad ii hiilinoo
hadmaan kugu soo hiloobaa

Exit mobile version