marna kama ilduufoo
ma ilaawo maalintii
is araga barashadii
haboon aan ku kulanee
salaantii io odhaahdii
indhaha baalashoodii
eegmada ku koobnayd
israay uurka tabasha iyo
adaa uur nugayl ku beeree
kalgacayl unkama iyo
arinkii gayaanimo
aqbalkeed ma tahayoo

waan kugu amaanaa
ashqaraaray maalintii
edaabta quruxda leh iyo
anshaxa kugu jeclaadee
araartii iyo tusaalihi
ambaqaadisteenii
is afgard ku koobnayd
ilayn uurka tabasha iyo
adaa ilnugayl ku beeree
kalgacayl unkama iyo
arinkii gayaanimo
aqbalkeed ma tahayoo

Exit mobile version