ruuxaad dantiisiyo
dawadiisa jeceshay
wax u daran ka dhawrtoo
dadaasho waligaa
isaguna ku dagayoo
dambi kaa galaayaa
daranaa allaahayoow
naf jacayl dilayna
dulmi u yeeli maysee
waano dooni maysee
mana dulqaadanaysee
dumar ugu fil rooneey
nabsi yaanu kula dagin
dabar yaanu kugu xidhin
oo daleeda kaa helin

waxaan kuu duceeyoo
daacad kuu ahaadoo
dadka kuu jeclaadoo
kalidaa ku doonaba
adigaa i dayeshoo
i daryeeli waayoo
axdigeenii dumiyooo
dandariyo dhibaatiyo
anigoo dakaan qaba
wadnahaygii damaqdee
hadalkaygina diidee
dumar ugu fillrooneey
nabsi yaanu kula dgin
dabar yaanu kugu xidhin
oo daleeda kaa helin

Exit mobile version