hadii aad jacaylkii
usoo jihaadee
wadnihiisa kala jaray
yurub ula jarmaadoo
aad la joogto noorway

qalbigaad ka jabisoo
isaguna jacaylkii
jugtii uu wadnaha baday
hargaysuu la jiifaa

hadaad mooday jiidhkiyo
inuu laabta kaa jaray
wali wuu ku jecelyay

hadii aad jamiilaay
jawi wacan ku nooshoo
warwar li'i aad joogtoo
jeesna aad yagleeshoo
aad jamatay ruux kale

isna jaahwareeriyo
waa maqane joogoo
jacaylkaad la dhooftuu
la jibaadayaa wali

Exit mobile version