si aan ula jaaro nolol
si aan ula jaalo nolol
farxad iyo guul jaldidey
jaliil waxaan baryoo
wakhtiga jeedaaliyaba
jaaisadii samir hantiyey
naftii rajo jiraysay shalay
nasrisan ujaawaabyoo
hankii jal ka sugay xiliga
waxaa jal tiray nasiib
jawiga cusubeen galow
kunjeer sii jibaaranoo
nolosha joogto ii ahow
nolosha joogto ii ahowe

si aan tabshada jirtiyo
utiro jalafooyinkoo
jeeruun uga baxo kulayl
halkii waxan jihajihayn
ma maro jexyada xaska leh
jiilaalkii gu baa badalay
jilaalkii gu baa badalay
jidkii rayskii aduun
jantii saaroo maroo
dabkii daalkiyo lurkii
waxaa iibadalay jaceyl
waxaa iibadalay jaceyl
jawiga cusbeen galow
kunjeer sii jibaaranoo
nolosha joogto ii ahowe
jawigaa cusubeen galow
kunjeer sii jiaaranoo
nolosha joogto ii ahowe

Exit mobile version