nimuu caashaq hagaayo
heblaay kaalay ma dhaafo
si kastooy u huruufto
hulashow kama daayo
walooe ay handadayso
waligii hadhi maayo

niyad meel laga haysto
habqankeeda la yaabye hoobeey
cidlo way hogataaye hoobeey
maxaa hawl ku faruuran

kas haween nin u liita
dartoodbay handadaane
qalbigaagan hulaaqmay
hilbashow sow kuma hayso

qalbi aan kula haynin
hadalkaagu ma deeqo
si kastood u hurayso
hanti kuu sabi mayso
halgankaad ku jirtaa waa
hal bacaad lagu maalay

hurdadii uga baaday
habeenkii fikirkeeda
riyadii heli maayee
ikhtiyaarna ma haysto

Exit mobile version