markaad ladaney igu laaday
markaan laxawgii lumi gaadhay
adaa i luraye maaha liidan
anoo lubigaygiyo laabta
kuu loogay intaan kugu llooahay
adaan liska caashaq ladaaban
lilaahida mooday lugoyo
lugayga laftayda laxaadka
ta dheeriyo loogiyo laaga
ku laashaye laafyaha saydhi

markuu lahan caashaq i loodshay
bogayga ku loolay ladhkiisa
adaa lac yidhoo lada jiifka
anoo laqano luqun dheer le
libaax la imoodo lib haysta
aday baday lawlabka liica
warmaha ku likeeyay lagayga
lagayga laftayda laxaadka
ta dheeriyo looliyo laaga
ku laashaye laafyaha saydhi

Exit mobile version