miyaan maarmi karayaa
maankaygu tuu rabay
meel ilama joogtee

mahuraanki noloshaay
sidiibaan u meeraa
maalintiyo habeenkii

ana mooyee ma aqaan
igu dhaaftay maantee
maxay noqon allahayow

ma hadhada jacaylkaa
madadaaliyaayoo
muuqaaga inanyahay

sida la igu mudaybaa
mirta dhexe la toosaa
murugtiisa caashaqa

Exit mobile version