Mur jacayl anoo wali
Marna aan dhadhamino
Lurkiisa moogahaye

Midabkaaga quruxdiyo
Muuqaaga awgii
Igu mudan kalgacalkuye

Hada uu i mirayoo
Miyirkiyo xiskaygaba
Sida mayayga roobaad
Maasheeyay caashaqu

Murugoodoo awgaa
Inaad iga maqnaataa
Inanyahay ma dawbaa

Ma hadhada jacaylkana
Intaanu meeris adag iyo
Kugu xirin mareegta

Mooskaaga wali iman
Ama meel fog kaa jiro
Ayuu maaro leeyee

Exit mobile version