Naftaydaay xulasho daran
Jacayl xiriguusu dhacay
Xiisahu uun dhinac qura ka jiro
Ayay xal uraadisaa
Xurmo iyo taaj saareesaa

Dooqaygan weli xasilan
Halkaan caashaqa xadadi
Anaa barashada u xilan

Xiska iyo qalbigaan ogaa
Waxaan kugu xirneen yartoo
Sirtii xubigaanan helin
Haa way haa aan helin

Dharaaroo xasuus badnaa
Qalbigu xusi jiray jacayl
Hadduu xili doorsho yimid
Maxaan xumo ugu digee
Waa kaa sida xoorka guray

Xiriirka maxaan kugu idhi
Xaqii kugu meel dayoo
Ka daa xiisaha mar qura

Xiska iyo qalbigaan ogaa
Waxaan kugu xirneen yartoo
Sirtii xubigaanan helin
Haa way haa aan helin

Exit mobile version