adaa qurux loo
qalbigaygiyo
laata qaadoo
kuu qandhaysnee
qurmo abadiyo
raas qabawlaa
kuu qotomiyee
kaalay qadaneey
nolol qaaliya
ila qaybsoo
qudhan
qunyar daadihi

marwooy qotonkiyo
qaab samaantiy
qawl wanaagaan
kugu qaatee
qiima badaneey
adaan qayrkaa
kaa qadariyee
kaalay qadaneey
nolol qaaliya
ila qaybsoo
qudhan
qunyar daadihi

Exit mobile version