jacaylkaan dadayee
aniga damqaayee
dubaaqayga diirshee
aan u diiday dibad baxa
dani seeto weeyee
dawadii naftaydaayy
maanta aan dilaacsho
kuu diiro hadalkee
hadaan ahay naf kuu diran
oo damacu kugu ladhay
xubigan niyadayda dagay
i noqo midaan dumin
qalbi deeqa ii noqo

darmaanyahay dartaaban
dumar idil u dhaafoo
damiirkaan isiinayn
inaan kaa daldrsado
saxsaxansaxada doogiyo
dayax caafimaadeey
damqashada wadnahay iyo
dookhaygii baad tahee
hadaan ahay naftan kuu diran
oo damacu kugu ladhay
xubiga niyadayda dagay
ii noqo midaan dumin
qalbi deeq ii noqo

Exit mobile version