qalb kuu hilobo
haween kaaga soo go,ay
inaad hawsha mooyee
uma hagar baxayside
hadii aan horjoogiyo
quruxdiyo hanaankuba
cakuye isoo hodin
kumaan heelanaadeen
huqduu caashaq leeyahay
iiga hiilin waydee
dookhaygii kaa helay
ka hadh buu ileeyahay

hanqaadka ruux jecel
marbuu hagradaa wakhtigu
marbaa hoodiyo nasiib
ku heshaa sadkaagee
rajo kumaad hungoobine
naftaydaay hubsiimiyo
hindisiyo lahaaw samir
hankaaga ha waydayn
huqduu caashaq leeyahay
iiga hiiilin waydee
dookhaygii kaa helay
ka hadh buu i leeyahay

Exit mobile version