qalbiga samrayaa ku suga
maankiyo sadrigaa ku taba
hankaan kugu soohay kali
waxan ku sabaa xasuus

adoo iga maqan sanadoo
salkaan ku u dhigaa axdiga
samiyo milguhuu gayaan
xibiga siiyaa tix galin

intaa sabo dheer intaa
adigu ku sugnayd gacalo
xiisihii ku siyaad bogoo
sabaalo intaa ka badan
naftaan iga siisanayn

labada kalgacaylka siman
axdigu sahal kuma ahoo
rajada nafta lagu sabay
sareedo ku tiigsadaan

ana muxubada i sidatiyo
adaa ila qaba sahwiga
bishiyo saaciyo ayaantuna
sanado kuu tahay sidayda

Exit mobile version