inaan adi dartaa oomanahay
aawada cadho qalanahay
saw ma ogid
inta badan ma jooge
saw ma ogid
in xagaaga uu jiro qalbigu
saw ma ogid

inaan ahay naf uu adoonsaday jacayl
saw ma ogid
wakhtigiyo in inaan
ayaamaha tirsado
waan is dhiibay
macaan saw ma ogid
saw ma ogid maba lihi
awood aan kugu sugee

inaan adi dartaa oomanahay
aawada il daranahay
saw ma ogid

alle ilahee nuglaade
saw ma ogid
anfariirka xiisaha macaan
saw ma ogid

inaan ahay naf uu adoonsaday jacayl
saw ma ogid
wakhtigiyo in inaan
ayaamaha tirsado
waan is dhiibayee
macaan saw ma ogid
saw ma ogid maba lihi
awood aan kugu sugee

Exit mobile version