shimbir waliba heelada
shimbirtii la duulyee
cishqibay shirabayaan
ku sharraxaan bogoode
adiguna shidada gacal
sidaa shinidu boqorked
ugu shiido malabkaa
darreenkayga sheebtee
dayaxoo shan iyo tobanoo
shinkiisii buuxoo
ku cadeeyay shaaxii
kalgacayl shuraakaa
xaflad shaamareeriyo
aroos ma u shushubinaa

heensaynta shaqalda
ama sheek xiis leh
eraygaan ku idhi shala y
hadii shaahid lo helay
sheeda baala daymada
markaan saaray shiishkii
shaxda liigu dagay iyo
kala shawray falagii
hayna dhaafo shakiguye
haka baxo shuushkuye
jacaylada ma shirinaa
kalgacayl shuraakaa
xaflad shaamareeriyo
arooos ma u shushubinaa

Exit mobile version