marbaad seerma waydiyo
waqal soo da'aayiyo
wabiyada xareedii
wacnaan lagu ajiibaa

marna wahanka jiilaal
abaar wiiqda noloshiyo
wiirtaanyadeedii
ragba weel u xidhanyahay

uma baahnaa waydiin
war dhafoorka muuqdee
garashadu xil weeyee
waayeel u noqo talo

waagii dilaacaa
wacdaraha aloosoo
walwalkeeda dunidani
waa niniyo waagii

hadaad adigu wacantay
waqtigu waafi kaa dhigay
ha ku wiirsan waligaa
ruuxii wakinaaya

Exit mobile version