I xanaansha xabiibi i dhaha
Xiisa igu suuraa
I xambaara xumaanta iga tira
Uunka iga xeershaa
I xayaadsha xubigana i baraa
Nacabka xaadhnaada

I xanaansha xabiibi i dhaha
Xiisa igu suuraa
I xambaara xumaanta iga tira
Uunka iga xeershaa
I xayaadsha xubigana i baraa
Nacabka xaadhnaada

Xiska deeqa maankayga xula
Laabta ku xadreeyaa
Wadne xawdaa xididada ku haba
Xero ku waageertaa
Wadne xawdaa xididada ku haba
Xero ku waageertaa

Xiska deeqa maankayga xula
Laabta ku xadreeyaa
Wadne xawdaa xididada ku haba
Xero ku waageertaa
Wadne xawdaa xididada ku haba
Xero ku waageertaa

Xulkii aan haween soo xushee
Xiigsadaay qaali
Xayaati anaa ku wata naftiyo
Kugu xidhay ruuxdaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay ruuxdaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay ruuxdaa

Xulkii aan haween soo xushee
Xiigsadaay qaali
Xayaati anaa ku wata naftiyo
Kugu xidhay laabtaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay laabtaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay laabtaa

I xaqdhawra xuquuqdayda bila
Xilo ogsoonaadaa
Shaax i dhay xaawaley ma dayo
Xidhiidhka qiimeeya
I xusa sida aan u xuso
Xusuusta weyneeyaa

I xaqdhawra xuquuqdayda bila
Xilo ogsoonaadaa
Shaax i dhay xaawaley ma dayo
Xidhiidhka qiimeeya
I xusa sida aan u xuso
Xusuusta weyneeyaa

Xal u hela xaaladaha adag
Xeelad ku lahaadaa
Xeerka gaalaa
Jacayl laba is jecel
Xiisad kuma beera
Xeerka gaalaa
Jacayl laba is jecel
Xiisad kuma beera

Xulkii aan haween soo xushee
Xiigsadaay qaali
Xayaati anaa ku wata naftiyo
Kugu xidhay ruuxdaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay ruuxdaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay ruuxdaa

Xulkii aan haween soo xushee
Xiigsadaay qaali
Xayaati anaa ku wata naftiyo
Kugu xidhay laabtaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay laabtaa
Ku wata naftiyo
Kugu xidhay laabtaa

Exit mobile version