Sida geed caleenloo
Ubax guud ka qariyey
ooy gooni laamaha
ay midiba geesteed
hoobaan is gaadhiyo
guntin midha ah leedahay

oo soo gandoodoo
galka faraqa soo daray

oo godon barwaaqao ah
durdur aan gudheyn iyo
gacan webi ku yaala

oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay.

Gabadhyahay kalgacl baan
goortaan ku eegaba
qalbigayga gelisaa

waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.

………….. ……… ……… …….. ….. ….

Sidaad tahay gamaan faras
sanga geesi daaqsaday
oo uu garduur miray
sodon bil iyo gawdeed
uu goobay farowgii
sararta iyo gaadada

oo galangal cooboo
cududuhu gamuurmeen

oo galaba loo raro
sida ramad guyaal dhalay
hadba kaynta geeda leh

oon guluf colaadiyo
weli socoto dheer gelin

Gabadhyahay kalgacl baan
goortaan ku eegaba
qalbigayga gelisaa

……….. ………. ………. ……. …

waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsii
…………… …………. ……..

Sida gubanka qaarkii
dhul gargoorku siman yahay
ama maadh galdhiidhoo
gubatiyo ku taal hawd

oo laba gardhooboo
badhba gees u seexdeen

Dharabka iyo geedaha
quruxdooda gaarka ah
ama haro gingimanoo
guud ka xarfanaysoo
shinbiruhu ka giigeen
oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay

Gabadhyahay kalgacl baan
goortaan ku eegaba
qalbigayga gelisaa

waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.

Lyrics By: Al Ustaad Ali Muse Fidow
” Hidde Dhawr”

Exit mobile version