Dhererkiyo horjoogiyo
Dhuubnida jirkaagiyo
Dhexda taaka qabadkaa
Dhankastoon ku eeegaba
Waxaad tahay dhaliil la'aan

Qurux loo dhammeeyoo
Dhaayahaad uroontahoo
Adna ha iga dheeraan

Dhab ahaan labadenna
Dhunkashada dhacyadaa
Ma isku siinnaayoo
Kuma dhaafi karaayoo
Ila dhadhami caashaqa

Caaashaqaan idhaawacay
Xididaduu udhaadhacay
Ha igu dhaafin halistee
Lubigaad ku dheertahee
Gacantaada ii dhiib

Qurux loo dhammeeyoo
Dhaayahaad uroontahoo
Adna ha iga dheeraan

Dhab ahaan labadenna
Dhunkashada dhacyadaa
Ma isku siinnaayoo
Kuma dhaafi karaayoo
Ila dhadhami caashaqa

Exit mobile version