lubigayga dareenkayga
lurayee wadnahayga
lingaxay ku higaagay
lakiyoo hibatooga

dooqa ku lifaaqay
qalbigaygiyo laabta
kulankii labadeena

laxawgii igu beermay
axdigaa labanlaabay
dharaar iyo laylna
macaan ladi waaya
dharaar iyo laylna
oo la ladi waaya

laba dookhu is raacshay
jacaylkoodu ma laalmo

calafloo ha ku yaala
cunahaan lala seegin
laba dookhu is raacshay
jacaylkoodu ma laalmo

kali keen kalgacaylnaa
waa lilaahi oo daacad
runta oon laga leexan

laxawgii igu beermay
axdigaa labanlaabay
dharaar iyo laylna
macaan ladi waaya
dharaar iyo laylna
oo la ladi waaya

Exit mobile version