xili walbaa ku xasuustaa
adiga kula rabaa huunoy
hurdada ma haleelo habenki
adaa i hor jooga had walbe
haraadbaa kuu qabaa hani
sideen kugu helaa xabiibii

hadii uu jacayl xushmad leeyay
adaa ugu horeeya hablaha
hobolow heeliyaaloy heele

xabiibii hoygii jacaylkeenaan
had iyo goor soo xasuusta
hadimadiisii caashaqa
horumarkiisu badanaa
xaragada iyo xishoodkaaga
mid kula haybada lama helaye

hufaneey dumar haybad wacaneey
habsami qurux loo hibeeyee
xalaalbaa lagugu dhalayoo
ninkii ku helaa ma hoogaye

Exit mobile version