mabsuud qalbigaygu
miduu ku yahay
muuqiyo aragaaga
ileen ma huree
adoo iga maqanoo
i oog baan
anigu maansada
muhasho curiyaa
makhluuqa intaan
marqaati gashaa
heelada magacaaga
muunaay ku xusaa
markaad erayada
macaan i dhahdaa
murtida dhabkaa
manaam ku tirshaa
markaan milicsado
xusuus maankaa
kunaad mudan tahay
hawada mariyaa
muunaay mudan tahay
hawada mariyaa

muuuuunaaaaaaaay

markay ku dhugtaan
indhuhu maxabay
mugaabinayaan
mugooda lahoo
midabka luulka ah
markaan dheehdaa
farxada muhimka ah
anigu mullkiyaa
qiyaas male
midnaba maaho
maskaxda xubigaagu
muduu ku nagaan
markaad erayada
macaan i dhahdaa
murtida dahabka
manaam ku tirshaa
kolkaan milicsado
xusuusta maankaa
kunaad mudan tahay
hawada mariyaa
muunaay mudan tahay
hawada mariyaaa

muuuuunaaaaaaay

Exit mobile version