Subaxdaaan isbaraniyo
Saacaddaan kulannaa
Sadrigiyo laabtaad
Sahal aad ku deeqdoo
Samri waayay awgaa

Sidayaasha dhiiggiyo
Sanbabkiyo halbowlaha
Xididada salkoodiyo
Seedahayga oo idil
Adiga ku saaqeee

Safka aynigaagiyo
Kaasoocday dumarkee
Horay iigusoo soco
Adigaan kusugayaa

Samir iyo dulqaadbaa
Saad laga dhigtaaye
Arin siduu ahaadaba
Adigoon saluugin
Nafta ma isa siinnaa

Saadirkii ku uumaa
Layla sammaada
Sifa gaara oo wacan
Hibo kuugu siiyoo
Saxar kaa ilaashee

Safka aynigaagiyo
Kaasoocday dumarkee
Horay iigusoo soco
Adigaan kusugayaa

Exit mobile version