igu dheere inan yahay
waan kaa dhur sugayee
dhuuniga udiidoo hurdo uga dhaqaaqee
dheeheedan midab kaleh waa mid loo dhameeyoo maba kala maba kala dhantalee

anba kugu dha dhabayoo labada isu dhigantaa
mid haduu dhantaal mana dhismo uma hagaagee
anba dhuubtay owgaa
habeenadan dhibaatee

dhayal saday jaceelkoo inta uu dhan iiriday ma dhex galay wadnaha oo mala dhuubtay owgaa mala dhuubtay owgaa

anba dhamac kal gacal baa inta aan la dholan dholay idhalaalinaysoo dhexdu
ila yaraate

hurdo kugu dha dhabayoo
riya kugula dheelee
dhalad xuural ceenay
dhanaad qabatay waayee
markaad soo dhawaataa
dhulku wada iftiimaa
maba kala maba kala dhantalee

labo kala dhismaynoo waxaan nahay dharaar qura hadii ay is dhaafaan isu dheelinaysee
anba dhuubtay owgaa
habeenadan dhibaatee

dhayal saday jaceelkoo inta uu dhan iiriday ma dhex galay wadnaha oo mala dhuubtay owgaa mala dhuubtay owgaa

anba dhamac kal gacal baa inta aan la dholan dholay idhalaalinaysoo dhexdu
ila yaraate

Exit mobile version