dhaban qurux ayaaneey
dhaqaaqaaga socodkiyo
dhexdaada simanbay
dhaayuhu qabteenoo
dhugashada ku wacantay

dharaartaynu kulanaa
dhawaaqiyo codkaagay
dhaguhu maqleenoo
igu dheliyay caashaqa

dhool soo hilaaciyo
dhibicdii xareedaay
anigoo dhabtaadiyo
dhinacaaga jooga
dhimirku soo noqdaayoo
dhibaatadu i daysaa

dhereriyo laxaadiyo
dhiigaygiibaad tahee
dheeftaydu waa adi
waxaan dhawrayoon rabay
ii dhamaatay maantee

dhexdintaydii noqotee
ALLOW aad dhalaaniyo
ubad ii dhashaayoo
dhidibkeenu waaraa

Exit mobile version