inanyahay dharaarahan
dhuuniga ma quutoo
saqda dhexe lalabayee
waanigan dhadhabayee

ma xasuusto dhimashiyo
dhaawaciyo dhaawaciyo
boogaha dhibtanaad i galisee

xubnahaagan kala dhigan
dhoolahaaga wacadka le
bishimahaagan sidii dhuguc
dhiigoodu muuqdee
aad moodid dhoodaal
yaa i dhaabay anigee

markii aan ku dheehaa
cishqi igu dhamaadaa
ana waad i dhaaftaa

inanyahay dharaarahan
dhaqdhaqaaqa xoogiyo
dhiigii wadnaha waday
dhiihanbaad u yeeshee

siduu caashaqu ii dilay
waan dhago nuglaadoo
dhako faaray aniguye

Exit mobile version