xalaal dhalad
xubno qoran xishxishoota
xulkii dumar xuurancayn
xanxantoor leh
ayaan xisho kuna xigtay
xushxushmaynta

xilxilqaadka xerinteeda
xikta soorka
xurxurmaynta xaafidkeeda
xayo dhowrka
ayaa xiiso igu beertay
si xad dhaafa

adna xubi xilo jano xabxabiibi
xiskigaan ku xardhay xaxayaati
xaawelay ka xushee xaqiiqso

xubi sidan iyo
xero xalhobeenta
nasab xulan
xakastaba ayaa xalxariiran
ayaa xushay xiskigana
xorxoraysa

xalxaalan laabta
xaadhan xasiloonka
xaawaleyda ka xijaaban
xanxantooda
xilka dhowrsan
wana ruuxaba
xabxabiibaay

adna xubi xilo jano xabxabiibi
xiskigaan ku xardhay xaxayaati
xaawelay ka xushee xaqiiqso

Exit mobile version