waa dhamays waa dhalad
u dhabeel uguboo
waa dhiman waa dhiibsan
waa dhowrsan dumarow
dhanbaqali ku yeelyeli
dhibdhibid iyo dhagdhagad
dhamaantood ma lehe
dhiirarnaan oo dhexda xidh
dhacdhaca ka fudud
mid dhisan oo dhowrsan weeyi
dhag dhag weeyi
dhankastoon ka eegaba
dhag weeyi
dhararkeeda dheelitiran
dhag weeyi
dhaldhalaalka muuqa
dhag weeyi
dhag yiri dhag weeyi
waa dhuuban waa dhex yar
waa qurxoon dherer loo
waa dhal gob waa dhaashan
waa horoomo dhaadigoo
dhaldhalaal iyo dheeha muuqa
dhaah maaha shidane
dhadhagia iyo dhurdhurid
dhamaantood ma lehe
dhaldhaliil iyo dhusdhusid
dhifdhifaa ka dheer
mid dhisan dhigeedna
dhaafsan weeyi