dhalinyarada soomaliyed
dhisa qaranka oo
dhab u fiirsha haaha
dheldhel ha moodnia
calankiina dhowrtaan

dhulkeena waa dahab
lagu dheefsadaaye
qaboow loo dhintaa iyo
dhamac male kulayle

hadaan ahay dhalintii
maanta waan dhaaranayaa
dhaqan galinta nabadoo
dharaariyo habeenba
waan dhiirinaaya

dhalinyarada soomaliyed
dhirta beera oo
dhanaan iyo macaan
dhaqaalaha dalkeeniyo
dheeman iyo luul
ku dhaafsanaaye

dhalinteenu waa ubax
lagu dhaadanaaye
dhoobiyo meel kale
kuma dhiito waligay

hadaan ahay dhalintii
maanta waan dhaaranayaa
dhaqan galinta nabadoo
dharaariyo habeenba
waan dhiirinaaya

Exit mobile version