garashadu waa dahab
iyo go'aan raganimo
haduu gu'yaal dhaqankii gudhay
gartiinii hore loo golay
ana waa goortaydii

waxan guule ii qoran
gabadh loo riyoodiyo
haduu calafkii guray
galad helay lbintan rabay
samirbaan go'aansanaya
dadaw gurmadkii haa haa
gardaradu waa ceeb

waa gunimo jacayl
hadaan garanba waayoo
gabadh dhaqankii loo helay
gedigood ehelkuba
sida gobiyo caadkeed
loo geed fadhiistay
galad EEBE weeyee
waxaan GUULE kuu qorin
orod laguma gaadhee
ha u culanin gaawaha

geesiga hadalkiyo
ma gabado waligii
gumuciyo colaadiyo
gurmadkiisu waa hodan
gabi maayo hawshii

gacaltooyo walaalnimo
gole wada dhanbaa
gar naqsada waligood
markaan gorfaynay hesha
golaha keenaa
gabdho kale lama waayine
gari naqbay taqaan

Exit mobile version