inanta quruxdiyo
hubqaadka socod
hibada sharaftiyo
hogaanka wacan

humaagbaa ii hilaacoo
qudhayda hamuunka baday
runtii waan haybiyaayoo
halkeebaan u raadiyaa

hadaan heli lahaa
oo aan heli lahaa
sdii hooyadeedban
wanaag badanbaan
anigu hoy wacan u taagi lahaa

inanta hadalkiyo
amaanta haboon
u huray dadaal
hadmaad ii iman

hadii ruux jacayl haleelo
hantaaqiyo ciil xun bado
dhabtii waa hawl aduunye
sideebaa lagu hubin karaa

Exit mobile version