jacaylku qaraar ka weyn
qisaas ku diri karo
quweys iyo qolo qolo
qabiil gaar gaari ma leh

halkaad ku qorontahay
la qarin wayaa
qalbiga hanatay
la qaadan waa

qoorsiga ma fiicne
qooransi daayo
ilintayda qubanaysa
ila qaybso nolol wanaag

ruux iyo maal
qasri iyo dahab
qalbibaa ka roon
qalbi saafiya
qaarada ilaahsho
aan ku qubinoo
qabriga nolol
lagu qaata

Exit mobile version