hablo gidigood geenyo maahe
mid guduudan oona gaabnayn
dhabtii gariyo geel u dheerayn
geenaydu waa gadi nimcaa

mid gashaantiyo guud ahaan qurux
GUULE siiyoo waa gob rooniyo
geenyadu waa gadii nimcaa

mid garashiyo caqli gaamuray
gaar u qaadatoo taan gacloodiyo
geenyo waa tee
geenyadu waa gadii nimcaa

dumar gabigood gaari maahee
guud haldhaalay timo garab raac
gaari dhabarkiyo gadaal uga dagay
goortaad eegtana indho gacalsiga
taan gacloodiyo geenyadiyo
geenyadu waa gadii nimcaa

midaan gacalkiyo gooni me
gafna laga baran taan gacloodiyo
geenyadu waa gadii nimco

Exit mobile version