waxaan gacal saday gabadh sidanoo
geenya quruxdii aan la gees marin

gaari weeyoo loo wada gortamay
boqol geela iyo lagu goobi jiray

gariiray waan gariiray gariiray eegmadeda
gabi caashaqbaan godladay ka goostay
darteeda

waxaan garadsaday inantaan goobayo
guri ceel janaba gurigeedu yahay

gacalo weeyoo guulahaygu bilay
qurux gaara iyo jidh lagu galaday

Exit mobile version