akhlaqda xishoodka asluubta
adeeca dulqaadka iimaanka
aadmigu kama sina aqonta
arxanka dadnimiyo abuurtaada
afkaygu ma koobo amaantaada
illaah kugu saday aamina
indhaha kaligaa ku eegta
ilmana naxariis la ooya
agtooda ka muuqo amiisha
aamin amina amiisha

ayaanka hubqaadka ilwaadka
odhaahda runteeda abaarta
ogaato dantayda astaysa
udubkiyo aqalkiyo dhigtiisa
oorida waligeed adkaysa
ahoow samirkana ogaata
indhaha kaligaa ku eegta
ilmana naxariis la ooya
agtooda ka muuqo amiishaay
aamiina aamina amiisha

Exit mobile version