anoo oon kalgacal qaba
aawadaa il daran
awaaraa kiciyo
uumi iyo klulayl
aragtida indhuhuu
ilmo daadiyaan
ubaxaan in badan
odoresee aan ilaaliyo
ubad lagu farxiyo
ayaaha naftaan
kugu aaminee
waligaa ogoow
adiguna ogoow

alayl dumay habeen
arladoo ugdiya
ilays soo bixiyo
sida oogta waa
iftiin nuurayoon
ku ildoogsadaay
aynigaa adaan
kaa ishaartayoo
iimaansadee
ubad lagu farrxiyo
aayaha naftaan
kugu aamiee
adiguna ogoow
waligaa oggoow

Exit mobile version