Heesta Adaan kula hayaa - Lyrics
Inanyahay adaa kaa helaa kuu hanweenahayoo
Inanyahay adaan kula hayaa, kuna heelanoo
Inanyahay adaa iga hantiyay hanka feerahee
Adigaa hurdada kaaga go'ay haaka iyo jiifee
Adigaa hablaha tii aan arkaba, kugu hilmaamaaye
Adaan kugu heesaa, sidii hooyo ubadkeedee
Hadalkaagu waa ii malab dawo iyo dimir doocaanee
Muuqaal hilacsi daymada ishaad dareen hageesaa
Beerka iyo halboolaha habaal gacan ku heesaayee
Iga raac jacayl baa ihayee hinda iga baano
Hiigsi duragsan hoodo iyo aqoon
Aabo lahalmaashay
Niyad dabacsan haybad iyo hanaan
Hooyo ku aruurtay
ayaan kugu habeesto habo kaaga heebsaday
Himilkaada goortaaan darsayee hubitay qiimeeyay
Ee aan kor iyo hoos udayay heedhe quruxdaada
Ayaan kuu hogaansamay, sidii bacadle heeryeesan
Hadalkaagu waa ii malab dawo iyo dimir doocaanee
Muuqaal hilacsi daymada ishaad dareen hageesaa
Beerka iyo halboolaha habaal gacan ku heesaayee
Iga raac jacayl baa ihayee macaan iga baano