VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Adaan kula hayaa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Bk
Adaan kula hayaa

Inanyahay adaa kaa helaa kuu hanweenahayoo
Inanyahay adaan kula hayaa, kuna heelanoo
Inanyahay adaa iga hantiyay hanka feerahee

Adigaa hurdada kaaga go’ay haaka iyo jiifee
Adigaa hablaha tii aan arkaba, kugu hilmaamaaye
Adaan kugu heesaa, sidii hooyo ubadkeedee

Hadalkaagu waa ii malab dawo iyo dimir doocaanee
Muuqaal hilacsi daymada ishaad dareen hageesaa
Beerka iyo halboolaha habaal gacan ku heesaayee
Iga raac jacayl baa ihayee hinda iga baano

Hiigsi duragsan hoodo iyo aqoon
Aabo  lahalmaashay
Niyad dabacsan haybad iyo hanaan
Hooyo ku aruurtay
ayaan kugu habeesto habo kaaga heebsaday

Himilkaada goortaaan darsayee hubitay qiimeeyay
Ee aan kor iyo hoos udayay heedhe quruxdaada
Ayaan kuu hogaansamay, sidii bacadle heeryeesan

Hadalkaagu waa ii malab dawo iyo dimir doocaanee
Muuqaal hilacsi daymada ishaad dareen hageesaa
Beerka iyo halboolaha habaal gacan ku heesaayee
Iga raac jacayl baa ihayee macaan iga baano

codkii Mohamed Bk