Mayay oogta waabari
Iimay ka muuqdiyo
Ilo wada xareedaay

Ubaxii kalgacalkee
Qurux lagu amaaniyo
Ashkir geenyo ugubeey

Ashqaraarkii dunidaay
Marwadii aqoontiyo
Akhlaaqdana u dhalataay

Abuurtaadu waa sharaf
Aragaagu waa nolol
Anshaxii islaamkiyo
Aayahaagu waa nuur

Indheer garadku waayaha
Aasi Ka sii faalooyoo
Arbe qalanjo loo daa

Anbaqaadka noloshana
Aadmigu sinaan waa
Waxa uurku jecelyahay

Afku waa iga xadayaa
Sow astaamahaagiyo
Aragaaga maan tabin

Exit mobile version