habeen weeyi caamoo
curatay barwaaqadu
carfi gaara leedaha
caruuskinu kawsaday
idinkaa is calmaday
isu kiin caruusnaye
caafimaad ku waara
ciil ha isu quudhina
noqda laba caruuriyo
cuud loogu deeqoo
kala cabanin waligood

calaf weeyi guurkuye
haddba laba is cugataa
cisi sharaf ku nooloo
sidiinaa caloolsami
cawio lagu nagaadiyo
rays cagaha saaroo
cimrigiinu khayr noqay
ciil haysu quudhina
noqda laba caruuriyo
cuud loogu deeqoo
kala cabanin waligood

Exit mobile version